Somali news

Faarax Qare: “Heshiiskii Kalluumeysiga Wuxuu Ka Hor Yimid Xeerka Kalluumeysiga”

13 Febraayo, 2018   Faarax Qare   Dowladda Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada dalka ka jira, ayaa sabtidii heshiis ku meel gaar ah ka gaaray, qebsiga dakhliga kasoo xarooda bixinta rukhsadaha kalluumeysiga. Khubarada dhinaca badda ayaa sheegaya in heshiiskaasi ay ku jiraan dal-daloollo isla markaana uu ka hor imanayo xeerka kalluumeysiga Soomaaliyeed. Jacfar Kukay ayaa arrintan ka wareystay Guddoomiyaha hey’adda cilmi-baarista badda ...

Read More »

Ciidamada dowladda oo ka soo baxay deegaanadii ay shalay la wareegeen ee Gobolka Sh/Hoose

13 Febraayo, 2018   Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay isaga soo baxeen deegaanadii ay shalay la wareegeen, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka. Ciidamada xoogga dalka ayaa shalay la wareegay deegaanada Awdheegle, Mubaarak iyo tuulooyin hoos-taga degmada Afgooye oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Guddoomiye kuxigeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ...

Read More »

Wareysiga Cabdul-Qawi, Madaxweynaha ICJ oo Dhammeystiran

12 Febraayo, 2018   Garsoore Abdulqawi Maxkamada Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ, ayaa dhawaantan u dooratay in uu muddo seddax sano ah madaxweyne ka noqdo garsoore Soomaaliyeed, kaas oo lagu magacaabo Cabdul-Qawi Axmed Yuusuf. Wareysi gaar ah ayuu siiyay idaacadda VOA. Wariyaha VOA, Sahra Cabdi Axmed, ayaa qadka telefoonka ee Switzerland ku wareysatay garsoore Cabdul-Qawi. Garsoore Cabdulqawwi 0:00:00/0:05:26  Direct ...

Read More »

ONLF oo ka hadashay hadalkii madaxweyne Farmaajo [Akhriso]

12 Febraayo, 2018   Jabhadda ONLF ayaa sheegtay in hadalka Madaxweyne Farmaajo ee ahaa inuu raacsan yahay go’aankii Baarlamaanku ka qaateen dhiibista Qalbi Dhagax uusan ku soo beegmin waqtigiisa. Afhayeenka Jabhaddaasi Cabdulqaadir Xasan Hirmooge ayaa sheegay in dhiibista Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax laga joogo muddo dhan Lix Bil islamarkaana Madaxweynaha uusan ka hadlin intaas. Waxa uu sheegay in dhiibista ...

Read More »

Gaari xamuul ah oo ay miino kula qaraxday duleedka degmada Balcad

12 Febraayo, 2018   Darawalkii gaari kuwa xamuulka qaada ah ayaa ku dhintey kaaliyihiisana wuu ku dhaawacmay kadib markii saaka ay miino kula qaraxday gaari ay wateen duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe. Gaarigan oo saaka ka tegey degmada Balcad ayaa marayay halka loo yaqaan Haan Shiiq oo dhinaca Waqooyi qiyaastii 7km ka xigta degmada Balcad xilligii ay miinadu la ...

Read More »

Qarax Ay Caruur Ku Geeriyoodeen Oo Ka Dhacay Gobolka Galgaduud

12 Febraayo, 2018   Ceelbuur – Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Saacadihii la soo dhaafay qarax ay waxyeelo ka soo gaartay Caruur uu ka dhacay duleedka degmada Ceelbuur ee gobolkaasi. Ugu yaraan 2 Caruur ah ayaa ku Geeriyootay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale, sida uu Shabelle u xaqiijiyay Cadceed Sheekh Doon Guddoomiye ku xigeenka arrimaha ...

Read More »

(SAWIRO ) Guddoomiyaha gobolka Benaadir oo Casho sharaf u sameeyey Madaxda Dawlad Gobolleedyada dalka

12 Febraayo, 2018   Muqdisho – Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa casho sharaf u sameeyey madaxda dawlad gobolleedyada dalka. Waxana sidoo kale ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo marti sharaf kale. Guddoomiye Yarisow ayaa soo dhaweyn kaddib, ka waramay shirkii dhowaan ka dhacay Muqdisho ...

Read More »

Somaliland: Farmaajo iyo Biixi ayaa Jabuuti ku Kulmi Doona

11 Febraayo, 2018   Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in ay dib ufurmayaan wadahadalladii kala dhaxeeyay dowladda federalka ah ee Soomaaliya. Shire oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu jiro qoshe shir furitaan u ah ambaqaadka wada hadallada labada dhinac, kaas oo ka dhici doono dalka Jabuuti, ayna isku arki doonaan ...

Read More »

Akhriso: War murtiyeed ka soo baxay shirkii Golaha Amniga iyo Heshiis laga gaaray wadaagista kheyraadka

11 Febraayo, 2018   Muqdisho – Waxaa la soo gababeeyay shirkii Golaha Amniga Qaranka ee u dhaxeeyay Madaxda dowladda Federaalka, maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, iyadoo shirka laga soo saaray war murtiyeed ka kooban dhowr qodob. War murtiyeedka la soo saaray oo ka koobnaa saddex qodob oo kala ah Arrimaha Amniga Qaranka, Tubta siyaasadda loo dhan yahay ee 2020 iyo ...

Read More »

Wadahadalo U Bilowday Ururka ONLF Iyo Dowladda Itoobiya

11 Febraayo, 2018   Nayroobi (WBW: The GBM) – Magaalo Madaxda Keenya ee Nayroobi ayaa laga soo sheegayaa in ay wadahadalo uga bilowdeen Ururka ONLF iyo Dolwadda Itoobiya. Warka wuxuu ku darayaa in wadahadaladan ay kusoo beegmeen xili habeenimadii Sabtida aheyd ay banaanbaxyo dhigeen Dhalinyarada Ururka ONLF isla markaana ay ka dhigeen Xaflada Sanadguuradii Koowaad ee Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed ...

Read More »