Somali news

Wadanka Ethiopia oo lagu soo rogay Xukun deg-deg ah

16 Febraayo, 2016   Dalka Ethiopia ayaa lagu soo rogay Xukun deg-deg ah maalin kadib markii uu Ra’iisal Wasaarihii dalkaas Hailemariam Desalegn uu si kedis ah ugu dhowaaqay inuu is casilay. War ay sii deysay warbaahinta dowlada Ethiopia ayaa lagu sheegay in xukunka deg-degga ah uu yahay mid loogaga hortagayo inay banaanbaxyo dhacaan. Hase yeeshee lama sheegin inta ay socon ...

Read More »

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo Is Casilay

15 Febraayo, 2018   Ra’isul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn, ayaa maanta sheegay inuu iska casilay, jagadii ra’isul wasaaranimada iyo middii guddoomiyannimada xisbiga talada haya ee dalkiisa EPDRF. Is-casilaadda Desaleign ayaa imaaneysa iyadoo Itoobiya ay ka taagantahay xiisad siyaasadeed oo muddo dheer soo jiitameysay, iyo iyadoo shalay la sii daayay maxaabiis badan oo dhinaca siyaasadda u xir-xirnaa si xiisadda loo yareeyo. ...

Read More »

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma, oo xilkii banneeyay

14 Febraayo, 2018   Madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma, ayaa xilka iska casilay kaddib maalmo uu haystay caddaadis ballaaran oo uga imanayay xubnaha xisbigiisa ANC. Madaxweyne Zuma ayaa bartamaha kaga jiray fadeexad musuq maasuq, mar uu Arbacadii ka hadlay hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalkaasi ayaa waxa uu sheegay in uusan sameynin wax khalad ah, ayna jirin sabab uu ...

Read More »

Wareysiga Wasiir Xoosh oo Dhammeystirran

14 Febraayo, 2018   Hoggamaiyayaasha dawladda federaalka iyo kuwa gobollada ayaa dhowaan ku heshiiyey in sannadkan 2018-ka gudihiisa lagu dhammaystiro dib u eegista dastuurka. Haddaba, maxaa ka dhiman dastuurka? Su’aashaas iyo kuwo kale ayaa Haaruun Macruuf uu weydiiyey wasiirka dastuurka, Cabdiraxmana Xoosh Jibriil. Wareysiga wasiirka dastuurka q1aad Qeybtan hoose ka dhageyso qeybta labaad ee wareysiga oo uu wasiir Xoosh kaga ...

Read More »

Wasiirka Howlaha Guud oo ka haray tartanka Kursigii uu ka geeriyooday Cabaas Siraaji, kaddib cadaadis la saaray

14 Febraayo, 2018   Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Xukuumadda Soomaaliya Saadaq C/llaahi Cabdi ayaa ugu dambeyn go’aansaday inuu isaga haro tartanka Kursigii Xildhibaannimo ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabaas C/llaahi Siraaji oo lagu wado in maalmaha soo socda ay doorashadiisa ka dhacdo magaalada Kismaayo. Sida ay sheegayaan wararka Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa cadaadis ku saaray ...

Read More »

Booliiska Koonfur Afrika oo u dhacay guriga Zuma saaxiibkiis

14 Febraayo, 2018   EPA Hawks Ciidammada sida gaarka u tabobaran ee la dagaalanka dambiyada ee Hawks loo yaqaano ee dalka Koonfur Afrika ayaa aroornimadii maanta weerar lama filaan ah ku qaaday guri uu Johannesburg ku leeyahay nin ganacsade ah oo saaxiib la ah madaxweyne Jacob Zuma. Waxa ay ciidanka baarayaan eedeymo la xiriira in Mr Gupta uu dowladda madaxa ...

Read More »

Markab Sida Shixnado Gargaar Oo Soo Gaaray Muqdisho

14 Febraayo, 2018   Muqdisho – Markabkani oo ay leedahay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka Cunada ee WFP oo sida Shixnado gargaar ah ayaa soo gaaray magaalada Muqdish. Markabka oo ay wehlinayaan Ciidamo ka tirsan kuwa ilaaladda Xeebaha Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa ku soo xirtay Dekedda Weyn ee magaalada Muqdisho . Waxaana Markabkani iyo Ciidamada Ilaalinayay magaalada Muqdisho ...

Read More »

Gaabis ku Yimid Howshii Shaqo ee Dekadda Muqdisho

13 Febraayo, 2018   Magaalada Muqdisho waxaa maalmahan uu gaabis ku jiray howlihii dekedda Muqdisho oo ay ganacsatadu ka cabanayaan canshuur kordhin ay sheegeen in lagu sameeyay. Wariyeheenna Axmed Xassan Colaad ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray. Canshuurta dekada Muqdisho iyo Ashtakada ganacsatada 0:04:47/0:04:47  Direct link   Pop-out player   – VOA Somali News

Read More »

Madaxweyne Waare oo Mas’uuliyiin ka tirsan Qatar kala hadlay dhismaha Wadada Muqdisho iyo Jowhar

13 Febraayo, 2018   Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kula kulmay magaalada Muqdisho Sii Hayaha Safiirka Qatar Xasan Xamza iyo Mas’uuliyiin ka kala socday Hey’adda Jidadka Qatar iyo Hey’adda lagu wado inay dhowaan bilowdo dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar. Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo horay u saxiixay ...

Read More »

Al-Shabaab oo dad u badan odayaal ku xirxiray Degmada Owdheegle ee Gobalka Sh/Hoose

13 Febraayo, 2018   Degmada Owdheegle ee gobalka Sh/hoose ayaa la soo sheegayaa in Al-shabab ay ku xirxireen dad ku dhow 100 qof oo u badan dhalinyaro iyo Odayaal ka mid ahaa dadkii shalay isukugu soo baxay magaalada markii ay galeen ciidamada dowladda Somaliya. Dadka deegaanka oo diiday in magacooda iyo codkoodaba loo adeegsado Warbaahinta ayaa xaqiijayay Odayaasha la xiray ...

Read More »