Somali news

Doorashada Soomaaliya oo mar kale dib loo dhigay

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ayaa sheegay in doorashooyinkii lagu waday inay billowdaan Sabtidii la soo dhaafay dib loo dhigay muddo bil ah. Hanaanka lagu soo xulanayo xubnaha baarlamaanka, Aqalka Sare iyo doorasahada madaxweynaha ayaa qaadan doonta dhowr isbuuc. Jadwalka Cusub Ilaa iyo 14 kun oo ergo ayaa lagu wadaa inay soo xulaan xubnaha baarlamaanka inta u dhexeyso Oktoobar ...

Read More »

Sheekh Shariif oo si rasmi ugu dhawaaqay Musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha (Sawiro)

Muqdisho – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta si rasmi ah waxaa uu magaalada Muqdisho uga dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee doorashada sanadkan 2016 dalka ka dhici doonta. Munaasabad qado aheyd oo ka dhacday Hotelka City Palace magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb galeen ku dhowaad 2-kun oo ruux ...

Read More »

Dib U-dhac Ku Yimid Jadwalkii Doorashada Ee La Sheegaayay

Muqdisho (Warbaahinta Banaadir Weyne) – Xubno katirsan Guddiga Doorashada ee uu horay u magacaabay Madaxweynaha Waqitigiisa Dhamaaday ee Dowladda Soomaaliya (Xasan Shiikh Maxamuud Garguurte) ayaa sheegay in dib udhac uu ku yimid Jadwalka waxa loogu magacdaray ‘Doorashada Aqalka Sare’ oo ka koobmi laheyd 54 xubnood isla markaana ay soo xuli lahaayeen kuwo lagu sheegu ‘Dowlad Goboleedyo sida Puntland, Gal-Mudug, Koofur ...

Read More »

Faah Faahin: Qarax Khasaaro sababay oo ka dhacay Baladweyne

Baladweyne – Wararka Idaacadda Shabelle ay ka heleyso Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Habeenimadii xalay weerar Bam Gacmeed ah lagu qaaday Ciidamo milatari ah oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa Magaaladaasi. Ciidamada la weeraray ayaa ku sugnaa Xaafadda Buundo weyn ee Magaalada Baladweyne , waxaana la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen illaa 8 ...

Read More »

Dad Ku Dhaawacmay Qarax Fiidnimadii Caawa Ka Dhacay Magaalo Madaxda Gobolka Hiiraan

Beled Weyne (Warbaahinta Banaadir Weyne) – Magaalo Madaxda Gobolka Hiiraan ee Beled Weyne waxaa laga soo sheegayaa in 8 qofood oo ah uu fiidki caawa uu soo gaaray dhaawacyo kadib markii bam gacmeed lagu weeraray fariisin ay Ciidamada Dowladda ay ku lahaayeen Xaafada Buundo Weyn ee Magaalada Weyne. Dadka dhaawacmay waxaa hada lagu daweynayaa Cisbitaalka Guud ee Magaalada Weyne. Wixii ...

Read More »

Madxafka dadka Madaw ee Maraykanka ah oo laga furay Washington DC

Madaxwaynihii u horeeyay ee Madaw ee dalka Maraykanka soo mara ayaa si rasmi ah xariga uga jaray matxafkii qaran ee ugu horeeyay ee lagu soo bandhigo taariikhda dadka madaw ee Maraykanka ah. Madxafkaas ayaa xarigga lagaga jaray magaalada Washington DC. Barack Obama ayaa sheegay in madxafkan oo ay ku baxday lacag gaaraysa 540 milyan oo doolar uu u taagan yahay ...

Read More »

Shil Khasaaro sababay oo ka dhacay Duleedka Muqdisho

Muqdisho – Wararka Shabelle ay ka heleyso deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Shil Gaari oo khasaaro geystay uu ka dhacay halkaas. Shilka ayaa ka dhashay gaari nuuca Homey-da loo yaqaan oo Arday ay saarnaayeen uu Shil kula galay deegaankaas Garasbaaleey. Inta la ogyahay 2 qof ayaa ku dhimatay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen ...

Read More »