Baarlamaanka Puntland Oo Ku Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan Ah Soomaaliland

18 Janaayo, 2018

 

Garoowe – Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulkaasi ayaa waxaa ay uga hadleen dagaalkii Ciidamada Soomaaliland ay kula wareegeen deegaanka Tukaraq ee g/ Sool.

Waxaana Xildhibaanada Baarlamaanku ay iclaamiyeen dagaal ka dhan ah maamuulkaasi Soomaaliland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in marnaba aan loo dul qaadan doonin faragalin uu sheegay in Soomaaliland ay ka wado deegaano ka tirsan Puntland

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in ka Maamul ahaan ay jawaab adag ka bixin doonaan weerarkaasi.

Puntland ayaa Ciidamo dheeraad ah geysay aaga dagaalka ee deegaanka Tukaraq, waxaana labada dhinac ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan deegaano ka tirsan g/ Sool. – Shabelle Media Network

Leave a Reply