Waxaa La Qabtay Doon Laga Taagay Calanka Soomaaliya

13 Janaayo, 2018

 

Somali pirates

 

Malé – Magaalo Madaxda Maldaafis (Maldives) ee Malé ayaa laga soo sheegayaa in Ciidamada Ilaalada Bada ee Dalka Maldaafis ay qabteen doon malaay-gaadato aheyd ee uu ka bililig-leynayay Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Doontaasi waxaa la qabtay fiidnimadii Arbacada kadib marki ay kusoo xadgudubtay Bada Maldaafis, waxaana loo gudbiyay Magaalo Madaxda Maldaafis ee Malé.

Doonta waxaa saarnaa 10 shaqaale ah oo u dhashay Dalka Taayland (Thailand), waxaana ugu rarnaa malaay dhan 200,000 kiilo (Labo boqol kun oo kiilo).

Kala soco Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]), wixii war ah ee kusoo kordho.

Isha: V News Maldives

Leave a Reply