Guddoomiye Taabid oo sheegay xiliga la qaban doono Shirweynaha Wadatashiga Nabadeynta iyo Hormarinta G/Banaadir

13 Janaayo, 2018

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabid Cabdi Maxamed oo shir Jaraa’id ku qabatay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay xiliga la qaban doono Shirweynaha Wadatashiga Nabadeynta iyo Hormarinta G/Banaadir.

Mudane Taabid Cabdi Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la qaban doono Shirweynaha Wadatashiga Nabadeynta iyo Hormarinta Gobolka Banaadir 28-da Bishan Janaayo .

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horay u sheegay in Shirka Wadatashiga Nabadeynta iyo Hormarinta Gobolka Banaadir uu yahay mid muhiim ah, waxyaabha ugu muhiimsan ee looga hadli doono shirkaas ayaa lagu sheegay Nabadeynta Caasimada iyo Hormarinta Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabid Cabdi Maxamed ayaa hore ugu dhawaaqay in 7 Bishaan Magaalada Muqdisho uu ka furmo shirkaasi balse uu dib u dhac ku yimid. – Radio Mogadiscio

Leave a Reply