Ciidamo Soomaali iyo Keynan ah oo la Sheegay inay Ceel-waaq ku Dagaallameen

12 Janaayo, 2018

 

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in iska hor imaad uu gelinkii hore ee maanta ciidamada Kenya iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku dhexmaray degmada Ceel Waaq ee gobolka Gedo.

Jaamac Buule Jaamac ayaa weerarkaasi oo ay saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka ku eedeeyeen ciidamada Kenya wax ka weydiiyay guddoomiye ku xigeenka degmada Ceel waaq, Sahal Macali Aaden.​

Kenya weli wax war ah kama soo saarin weerarkan iyo eedeynta ka soo yeereysa saarkiisha ciidamada dowladda ee Ceel-waaq iyo maamulka degamada. – VOA Somali News

Leave a Reply