Dagaal Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay G/ Jubbada Hoose

11 Janaayo, 2018

 

Kismaayo – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Jubbaland iyo Al Shabaab oo Barqanimadii maanta ka Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen fariisin Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Diif ee Gobolkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay.

Al Shabaab oo ka hadlay dagaalkan ayaa sheegay in ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Diif oo dhaca Xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Ma jiro weli wax hadal Ah oo ka soo baxay Maamulka Jubbland oo ku aadan weerarkaasi.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro ku qaada fariisimaha Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin Gobollada Jubbooyinka. – Shabelle Media Network

Leave a Reply