UPDATE 1 – Dabaaldeg Loo Sameeyay Ciidamadii Dharcada Ahaa Ee U Adeegi Jiray Taliskii Kelitaliska Ahaa Ee Xooga Ku Haaystay Soomaaliya 21-da Go’ood (Sawiro)

10 Janaayo, 2018

 

Muqdisho (WBW: The GBM) – Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa laga soo sheegayaa in maanta lagu xusay sanadguuradii 48aad ee ciidamadii dharcada ahaa ee uu dhisay Gaashaanle Dhexe Axmed Suleymaan Cabdalla (Dafle) isla markaana u adeegi jiray Kelitaliehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre laga bilaabo 8-dii Janaayo, 1970-kii ilaa iyo 25-tii Janaayo, sanadkii 1991-dii.

Dadkii ka-qeybgalay dabaaldegga maanta la sameeyay waxaa kamid ahaa Wasiir Koowaadka Dowladda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari), iyo xubno kale.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay afgembi lama filaan ah taariikhda markey aheyd 21dii Oktoober, sanadkii 1969kii; waxaana afgembigaasi hogaaminayay Taliyehii Xooga Dalka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre oo kaashanayo 20 sarkaal oo militari ah iyo 5 sarkaal oo boolis ah.

Afgembigaasi waxaa uu burburiyay Demoqaraadiyadii Soomaaliya ka jirtay, wuxuuna horseeday in Soomaaliya ay ka dhisanto talis kelitalis ah oo xoog ku haaysto Soomaaliya mudo dhan 21 sano, 3 bilood, 4 maalmood, iyo 23 saacadood.

Hadabo halkii maanta laga cambaareyn lahaa ciidamadii dharcada ahaa ee dhibaatada ka geystay Soomaaliya, ayaa waxaaba loo sameeyay xus, iyagoo loogu yeerayo ‘Hay’ada Nabadsugida yo Sirdoonka Qaranka).

 

Wixii war ah ee kusoo kordho, kala soco Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]).

Leave a Reply