Amniga Boosaaso oo la Adkeeyay Xilli la Filayo in Madaxweyne Farmaajo uu Booqdo

10 Janaayo, 2018

 

Ciidamada ammaanka ee magaalada Bosaaso ee gobolka Bari ayaa soo saaray amarro cusub oo dhinaca ammaanka ah, xilli ay magaaladu qabanqaabo ugu jirto soo dhaweynta madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo maalmahan booqasho ku maraya Puntland.

Bosaaso, oo ay ka dhaceen falal amni dari iyo kuwa argagixiso, ayaa waxa ku dhow buuraha Galgala oo ay Puntland muddo kula dagaalameysay maleeshiyada ururka al-Shabab iyo kooxda ISIS. – Somali Wayn News

Leave a Reply