Sawirro: Yaa Ka Iibiyay Shirkadda Favori Hotel-Ka Ay Ka Dhisaneyso Garoonka Diyaaradaha Muqdisho?

11 Disheember, 2017

 

Waxaa bilowday dhismaha hotel noociisa aan horey Soomaaliya looga arag kaas oo laga dhisayo agagaarka Terminaalkii laga soo guuray ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Shirkadda Turkiga ah ee Favori ayaa iskaleh dhismaha Hotelka, kaas oo dhul badan ku fadhiya islamarkaana lacago waali ah shaqeynaya haddii la howl galiyo.

Haddaba Su’aasha iswayddiinta mudan ayaa ah, yaa ka iibiyay ama ka kireeyay dhulkaas shirkadda Favori? dadka qaar ayaa qaba in qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowladda oo xitaa laga yaabo in ay ku jiraa afarta xafiis ee ugu sareysa dalka (Xafiiska madaxwaynaha, Ra’iisul wasaaraha, G.Baarlamaanka ama G aqalka sare). sidoo kale waxaa laga yaabaa in ay heshiiskaas galeen qaar kamid ah siyaasiyiinta ugu dhow dhow xafiisyada aan soo sheegnay, intaas waxaa dheer in laga yaabo xitaa wasiirka duulimaadka hawada Omaar laftigiisa uu ka warqabo heshiiskaas.

Ha yeeshee waa ay soo caddaan doonaa cidda ka iibisay ama ka kireysay dhulkaas shirkadda Favori oo heshiis qaran ku maammusha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Muqdisho.

Shirkadaha sida Favori oo kale ajaaniibta ah ayaa dalka ka sameysta waxa ay doonaan, mana jirto cid kala xisaabtanta middaas, maxaa yeelay waxa ay heshiisyo hoose la galaan madaxda iyo siyaasiyiinta qaranka, taas ayaana keeneysa in kiiska uu kusoo idlaado “Af Daboollan Dahab”. – Calanka News

Leave a Reply