Qarax ka Dhacay Magaalada New York

 

11-12-2017

 

WASHINGTON. D.C — Qarax ayaa ka dhacay boosteejada Port Authority ee degmada Manhattan ee magaalada New York ee dalkan Mareykanka.

Booliska magaalada New York ayaa sheegay in ay xireen nin looga shakisanyahay inuu ka danbeeyay qaraxa.

Ninka la qabtay ayaa la sheegay inuu yahay qofka kaliyah ee ku dhaawacmay qaraxa.

Saraakiishu ma aysan xaqiijin waxa sababay qaraxa, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in qarraxa loo adeegsaday bamka nuuca loo yaqaano tubada ama Pipe Bom.

tareenada mara wadada 42-aad ee aada fagaaraha caanka ah ee Times Square ayaa la xiray.

Xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad, Sarah Huckabee Sanders ayaa sheegtay in xaalada qaraxa ay saraakiisha amniga ku wargeliyeen madaxweyne Donald Trump. – VOA Somali

Leave a Reply