Iska Hor Imaad U Dhaxeeya Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowladda Oo Ka Socda Kaaraan

 

11 Disheember, 2017

 

Muqdisho – Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan ku dagaalamaya Xaafadda Buulo Maaxaay Degmada Karaan ee Gobolka Banaadir.

Iska Hor Imaadkan oo ah mid xoogan ayaa waxaa uu ka dhashay muran la xariira Dhul ku yaalla halkaasi.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana dadka deegaanku ay bilaabeen Barakac, si ay uga fogaadaan waxyeelo ka soo gaarto Israsaaseyntaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa halkaasi ka taagnaa Xiisad u dhaxeysa Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda oo isku haya Dhul ku yaalla Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir. – Radio Shabelle

Leave a Reply