Ciidamo Ka Tirsan Dowlada Oo Maqaaxi Ku Taal Wallanweyn Qarax Lagula Eegtay

 

23-11-2017

 

Wararka ka imaanaya Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in weerar loo adeegsaday Bam gacmeed lagu weerayay Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Somaaliya oo ku sugnaa degmada Wallanweyn ee gobalka Shabeellada Hoose.

Xalay waxaa Bam gacmeed lagu Weeraray goob Maqaaxi ah oo ay ku caweynayeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Somaaliya, balse dadka deegaanka ayaa sheegay ineysan jirin khasaare soo gaaray Ciidamada Dowlada ee la kulmay weerarka Bam gacmeedka ahaa.

Dhanka kale ciidamada Booliiska degmada Wallanweyn ayaa bilaabay Baaritaano la xiriira dadka lagu tuhunsan yahay inay ku lug leeyhihiin Bamka lagu weeraray Xalay Ciidamada.

Ma jirto Cid xaqiiijin karta Sheegashada Shabaab ka soo yeertay ee ah inay qaraxaasi ku dhaawaceen Sadax katirsan Ciidamada Dowlada ee ku sugnaa degmada Wallanweyn. – Balcad Teyteylee News

Leave a Reply