Wakaaladda SONNA iyo Midowga Wakaaladdaha Wararka Dalalka Islaamka oo Hishiisyo taariikhi ah kala saxiixday “Sawirro”

19 Oktoobar, 2017

 

Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, Mudane Cbadullaahi Sh. C/raxmaan Heybe, ayaa maanta Magaaladda Jiddah ee xarunta Boqotooyada Sacuudiga Hishiis Taariikhi ah kula saxiixday Agaasimaha Midowga Wakaaladdaha wararka Dowladdaha Islaamka, Mudane Ciise Kheyre Rooble, Hishiiskaas oo ka koobnaa dhowr qodob.

Qodobadii ay ku hishiiyeen Midowga wakaaladdaha Wararka Dalalka Islaamka iyo Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa waxaa kamid ah:-

1- in la iska kaashado isdhaafsiga Wararka Labada dhinac.

2- in Wariyeyaasha labada dhinac ay booqashooyin ku kala tagaan Xarumaha Midowga Wakaaladdaha Wararka Islaamka iyo Wakaaladda SONNA.

3-Isdhaafsiga Warar maalmeedka ku qoran luuqadaha Carabiga iyo Ingiriiska, si loo siiyo Warbaahinta gudaha.

4-sidoo kale waxay ku hishiiyeen in ay isdhaafsadaan Labada dhinac Sawirada, Muuqaalada, Qoraalada iyo IWM.

Waa markii ugu horreeysay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ay ka qeyb gasho Shirka Wakaaladaha Wararka Islaamka oo kulankii 25aad sanadkan lagu qabtay Magaaladda Jiddah.

Hishiiskaasi waxaa dhanka Wakaaladda SONNA u saxiixay Agaasimaha SONNA Mudane Cabdullaahi Sh. C/raxmmaan Heybe, iyaddoo dhanka kale Hishiiska uu u saxiixay Agaasimaha Midowga Wakaaladaha Wararka Islaamka Mudane Ciise Kheyre Rooble.

Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka soomaaliyeed ee SONNA, ayaa dadaalo xooggan ugu jira siddii ay wax ula qeybsan laheyd wakaaladdaha Wararka dunida oo muddo ay kadib dhacsaneyd, waxaana Hishiiskan uu noqonayaa kii ugu horreeyey 27sano kadib ee dhex mara Wakaaladda Wararka SONNA iyo Midowga Wakaaladdaha Wararka Dalalka Islaamka ah, iayddoo ay xusid mudan tahay in dhowaan hishiis lamid midkaan uu dhex maray Qaar kamid ah Wakaalddaha Dunida iyo Wakaaladda SONNA.

 

  

Xigasho: Radio Mogadisho

Leave a Reply