Wafdi Ka Socda Qaramada Midoobay Oo Gaaray Magaalada Hobyo (Sawirro)

18-10-2017

 

Hobyo – Wafdi ballaaran oo ka socda Qaramada Midoobay ayaa maanta gaaray Magaalada Xeebeedka Hobyo ee Goboolka Mudug.

Waxaan halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Maamulka degmada Hobyo.

Madaxda Maamulka Galmudug iyo Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa kulan ku qaatay Magaalada Hobyo, waxaana ay ka wada hadleen sidii dib u dhis ballaan loogu sameyn lahaa Magaladaasi.

Sidoo kale Wafdigan ka socday Qaramada Midoobay ayaa Kormeer ku sameeyay Magaalada Hobyo iyo goobo la doonayo in Mashaariicyo hormarineed laga sameeyo.

Magaalada Hobyo ayaa waxa ka socdo dib u dhis ballaaran oo la doonayo in lagu hormariyo Magaaladaasi oo muhiim u ah Maamulka Galmudug.

Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-

 – Radio Shabelle

Leave a Reply