Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowlada Soomaaliya iyo Alshabaab oo ka socda duleedka degmada Balcad

16 Okt. 2017

 

Balcad – Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo Alshabaab oo ku dagaalamaya degaan u dhaw degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana la sheegaya in uu dagaalka aad u xooganyahay oo lesku adeegsanayo hubka nucyadiisa kala duwan.

Sida wararka aanu ku heleyno dagaalka xoogiisa ayaa ka socda deegaanka Baliga ee duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Ciidamo uu hoggaaminaayo Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa degaankaasi weerar ku qaaday , waxaana la sheegay in ay difaac galeen Al-Shabaabkii halkaasi ku sugnaa, waxaana lasoo sheegayaa inuu halkaas ka dhacayo dagaal aad u culus.

Labada dhinac ayaa lasoo shegayaa inay heleen gurmad aad badan, waxaana daqiiqadihii ugu dambeeyey xoogeystay dagaalka oo aan la ogeyn ilaa hadda cidda ku sareyso dagaalka.

Ciidamada dowlada ayaa weerar culus ku qaaday fariisimo ay leeyihin alshabaab. – Hiiraan Xog

Leave a Reply