Madaxweynaha Galmudug Oo Dib Ugu Laabtay Magaalada Cadaado

12-10-2017

 
Cadaado – Madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxa ay maanta dib ugu laabteen Magaalada Cadaado ee xarunta KMG Maamulkaasi Galmudug.

Waxaana Wafdiga uu horkacayay madaxweyne Xaaf si diiran u soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada Gole ee dowlad Goboleedka Galmudug iyo qeybaha kala duwan bulshada kudhaqan Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay safarkii uu dhawaan ku tagay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Waxaana shirkii Kismaayo ee madaxda Maamul Goboleedyada uu ku tilmaamay in uu ahaa mid taariikhi ah, islamarkaana ay ka soo bexeen Natiijooyin waxtar leh.

Madaxda maamullada Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa shir wada tashi ah dhawaan ku yeeshay Magaalada Kismaayo, kaas oo ay uga hadleen arrimaha Siyaasadda dalka. – Radio Shabelle

Leave a Reply