DEG DEG: Taliyihii Ciidamada Xooga Dalka Oo Iscasilay

12-10-2017

 
Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa goordhow ku dhawaaqay in uu iska casiliyay XilkanTaliyaha Ciidamada Xooga.

Taliye Cirfiid ayaa ku dhawaaqay iscasilaadiisa xili uu qeyb ka ahaa kulan Hay’adaha Laamaha Amniga ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Weli lama oga sababta keentay in uu xilka iska casilo Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed. – Radio Shabelle

Leave a Reply