Ciidamada Galmudug oo gacanta ku dhigay nin dil ka gaystay Magaalada Gaalkacyo

12-10-2017

 
Kadib hawlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayay oo ciidamada ammaanka Galmudug ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen nin shalay dil ka gaystay Gaalkacyo.

Ciidanka oo ku raadjooga ninka gacan ku dhiiglaha ah ee dilka gaystay, ayaa ugu dambeyn u suuragashay xalay inay soo qabtaan ninkaan Sida Saraakiisha ay sheegen.

Saraakiisha ammaanka Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay ninka la soo qabtay inuu ku xiran yahay Saldhiga Ciidamada oo baaris iyo su’aalo waydiin ay ku socoto.

Saraakiisha ayaa sheegay ninkaan in cadeymo loo haayo fal dambiyeedka dilka ah ee uu galay, Laakiin Baaritaan dheeri ah la sii marsiin doono.

Ammaanka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa muddooyinkii dambe wuxuu ahaa mid hagaagsan oo aysan ka dhicin falal lidi ku ah dhanka ammaanka. – Universal Somali TV

Leave a Reply