Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo (Sawirro)

8-da Oktoobar, 2017

 

Kismaayo – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa goor dhow si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Xaaf ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan, Xildhibaano, Senatoro ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo dadweyne kale.

Soo dhoweynta Madaxweyne Xaaf ee Kismaayo ayaa waxay direysaa fariin garab-istaag oo Maamul goboleedyada ugu muujinayaan sharcinimada xilkiisa, kaddib markii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ay sheegeen inay xilka ka qaadeen.

Wariyeyaal ku sugan Kismaayo ayaa soo sheegaya in sidoo kale la sugayo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka dhoofay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo ka soo kicitimi doona magaalada Boosaaso ayaa isna lagu wadaa inuu gelinka dambe ee maanta inuu gaaro.

Shirka Madaxda Maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Kismaayo, marka ay soo dhameystirmaan Madaxda maamul goboleedyada.

 

 

Leave a Reply