Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo galabta gaaray Kismaayo (Sawirro)

08 Okt. 2017

 

Kismaayo – Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Kismaayo, isagoo ku biiray madaxda maamul goboleedyada ee ku sugan magaalada.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland, kuxigeenadiisa, wasiiro, saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Gaas ayaa waxaa loo galbiyay guriga martida Kismaayo ee ku yaala nawaaxiga Xeebta, halkaasoo la dejiyay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada.

Goor sii horeysay ayaa waxaa Kismaayo gaaray Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle, kuwaasoo si kala gaar gaar ah loo soo dhoweeyay.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa la filayaa inuu shir uga furmo magaalada Kismaayo, shirkan ayaa looga hadli doonaa khilaafk u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ee ka dhashay Xiisada Khaliijka.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaa la xiray waddooyin dhowr ah, iyadoo maanta istaageen dhaq dhaqaaqii gaadiidka iyo ganacsiga qeybo ka mid ah magaalada.

Dhinaca kale waxaa maanta ka dhacay Xaafada Dalxiiska ee magaalada Kismaayo iska hor imaad dhex maray labo ciidan oo ka ka dhashay muran dhul la isku heystay, waxaana iska hor imaadkaas uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

– Jowhar

Leave a Reply