DAAWO SAWIRO:- Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo gaaray magaalada Kismaayo

08-10-2017

 

Kismaayo – Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG, halkaasoo uu ka furmi doono shirka maamul goboleedyada dalka.

Wafdiga Madaxweyne Waare oo saaka ay diyaarad ka qaaday magaalada Muqdisho ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Madaxweynaha Koofur Galbeed, Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo dadweyne ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Waare ayaa noqonaya Madaxweynihii 3aad ee ka socda dowlad goboleedyada oo gaara magaalada Kismaayo, iyadoo Maamulka Hirshabeelle uu shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka qeyb galayo shirka ka dhacaya magaalada Kismaayo. – Hiiraan Xog

Leave a Reply