Shir looga hadlaayo qatarta Shabaab oo ka furmay Magaalada Kampala ee dalka Uganda

13-09-2017

 

Magaaladda Kampala ee caasimadda dalka Uganda waxaa ka furmay Shir loogu hadlaayo arrimaha amniga ee Bariga Afrika.

Madax ka socota 14 dal oo qaaradda Afrika ku yaala ayaa ka shiraya arrimaha la xiriira amniga bariga Afrika iyo halista kaga imaanaysa Al-shabaabka Soomaaliya.

Korneyl Muuse Cabdiqaadir Xasan oo ka tirsan hogaanka xiriirka dibedda ee Booliska dowladda Soomaaliya, kana mid ah saraakiisha ka qeyb galeysa shirkan ayaa warbaahinta u sheegay in shirkaan uu muhiimad gaar ah u leeyahay Soomaliya islamarkaana gaba-gabada shirka laga soo sari doono qodobo muhiim.

Sidoo kale waxa uu sheegay Muuse cabdiqaadir xassan oo katirsan hogaanka xiriirka dibedda ee booliska dowladda Soomaaliya in shirka diirada lagu saari doono sidii loo tayeyn lahaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed, si ay Amisom kala wareegaan ammaanka guud ahaan dalka Soomaliya marka ay ka baxaan.

Somaliya ayaa hadda isku diyaarinaysa qorshaha ku aadan sidii Amisom guud ahaan dalka ay ugala wareegi lahaayeen ciidanka Xoogga dalka Somaliya. – Universal Somali TV

Leave a Reply