Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo go’aamiyay in kulanka berri loogaga doodo Qalbidhagax

12-09-2017

 

Muqdisho – Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa kulan uu maanta yeeshay ku go’aamiyay in berri oo Arbaco ah la qaban doono ay fadhi uu yeelanayo Baarlamaanka,isla maraana qodobada laga doodayana uu ka mid noqon doono arrinta ku saabsan Cabdikariin Qalbidhagax.

Wararka ayaa sheegaya in Guddiga joogtada ah uu ku wargeliyay xildhibaanada baarlamaanka iyadoo loo direy dhammaan xildhibaanada fariimo loogu sheegayo in ay ka soo qeybgalaan kulankan.

Kulankan ayaa waxaa uu yahay mid muhiim ah iyadoo arrinta Qalbidhagax ay noqotay mid xasaasi ah kadib markii dhowaan Golaha Wasiirada kulan ay yeesheen ay dowlada ku qiratay inay u gacan gelisay Cabdikariin Cumar Maxamed Qalbidhagax.

Kulkan ay yeelan lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka ayaa kooram la’aan u baaqday iyadoo qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay ku eedeeyeen dowlada inay ka dambeysay in kulankaas uu baaqdo.

Hase yeeshee, kulan ay shalay yeesheen Senatarada Aqalka Sare ayaa waxaa hareeyay arrinta ka doodista Cabdikarin qalbidhagax,hase yeeshee cod loo qaaday ayaa dib loogu dhigey arrinta Qalbidhagax.

Dowlada Federalka ayaa culeys weyn ku noqday arrinta ku saabsan Cabdikariin Qalbi dhagax iyadoo ay weli taagan tahay xiisada ka dhalatay u gacan gelinta dowlad Ethiopia sarkaalkan ka tirsanaa ururka ONLF.

Khilaafka ka dhashay Cabdikariin Qalbidhagax ayaa ku soo beegmaya iyadoo toddobaadka soo socda lagu wado in ra’iisal wasaaraha dowlada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ka qeybgalayo shirka Qaramada Midoobay oo ka dhacay dalka Maraykanka. – Jowhar News

Leave a Reply