Weerar Miino loo adeegsaday oo lagu qaaday ciidamo milatari oo marayay duleedka Balcad

11-09-2017

 

Balcad – Wararka ka imanaya magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in gaari ay saarnaayeen ciidamo ay miino kula kacday inta u dhexeysa degmada Balcad iyo deegaanka Gololey.

Ugu yaraan shan askari oo ka mid ah ciidamadii saarnaa gaariga ayaa ku dhintey halka qaar kalana ay dhaawacyo ka soo gaareen sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah.

Ma jiro wax war ahoo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/dhexe ee ku saabsan weerarkan loo adeegsaday miinada oo ka dhacay gobolka Sh/dhexe.

‘Ma aha markii ugu horeysay ee weerar miino loo adeegsado uu ka dhaco wadada u dhexeysa degmada Balcad iyo deegaanka Gololey hase yeeshee weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo magaalada Jowhar ay ka socoto qabanqaabada doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle. – Jowhar News

Leave a Reply