Daawo Banaanbax Ka Dhacay Jowhar

11-da Sebtember, 2017

 

Jowhar (WBW: The GBM) – Magaalada Jowhar ee hada lagu sheego iney magaalo madax u tahay waxa uu Xasan Shiikh Maxamuud Garguurte uu ugu magac-daray ‘Hir+Shabeele’, aa waxaa laga soo sheegayaa in maanta lagu banaanbaxay.

Dadka banaanbaxayay aa waxey ku dhawaaqayeen erayo ay ku diidan yihiin qabsoomida doorashada laga sheegayo Magaalada Jowhar.

 

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUQAALKA

Jamhuuriyadda Soomaaliya, Sideedaba, waxaa ay ka koobnaa jirtay 8 Gobol (Jubada Hoose, Jubada Sare, Banaadir, Hiiraan, Mudug, Bari, [Waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeed oo hada ah Somaliland ]) markii ay abuurantay 1-dii Luuliyo sanadkii 1960-kii.

Markaasi waxaa Habka Federaaliga u ololeyn jiray Shiikh Cali Jimcaale Baraaye, Xaaji Baraako, iyo Cabdulqaadir Soobe oo aad loo mucaaradi jiray waagaasi.

Waxaa xegtay in Taliyehii Xooga Dalka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, isagoo kaashanayo 19 sarkaal oo katirsanaa Ciidamada Xooga Dalka; iyo 5 sarkaal oo katirsanaa Ciidamada Boliiska uu Taladii Dalka Soomaaliya uu xoog kula wareego tariikhda markey aheyd 21-dii Oktoobar sanadkii 1969-kii.

Sanadkii 1971-72-dii waxaa uu bilaabay in Gobolkii Banaadir uu u kala qeybiyo 3 gobol, isagoo ka kala dhigay Shabeelaha Hoose, Muqdisho iyo Shabeelaha Dhexe.

Kala qeybinta gobolada waa uu sii wadoo, ilaa uu ka gaarsiiyo 18 Gobol oo kusii saleeyay qabiil.

Gobolka keliya ee uusan kala qeybin waxaa uu ahaa Gobolka Hiiraan. Gobolka keliya ee uusan kala qeybin waxaa uu ahaa Gobolka Hiiraan. Hadii marka Siyaasada Federaaliga lagu saleeyo dib usoo celinta goboladii uu kala gooyay Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal M. S. Barre, waxaa uu Gobolka Hiiraan uu xaq u leeyahay inuu toos u noqdo Dowlad Goboleed maadaama uu Gobolka Hiiraan yahay gobolka keliya ee uusan kala jarin Diktatoorihii Soomaaliya Jen. Siyaad.

Hadabo, halkii dib loo sixi lahaa qaladaadkaasi, ayaa hada lasii sharciyeynayaa qaladaadkii Kelitaliye Jeneraal Maxamed Siyaad Barre; iyo qaladaadkii uu abuuray Xasan Shiikh Maxamuud Garguurte mudadii la ahaa waa ‘Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya’.

Hada waxaa sii shrciyeynayo qaladaadkaasi Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo kamid ah Haraagii Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre isla markaana hada la leeyahay waa ‘Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya’.

Sidee bey marka Jamhuuriyadda Soomaaliya ay dib ugu istaagi kartaa, iyadoo aanan dib loo sixin qaladaadkaasi?

Wixii war ah ee soo kusoo kordho, kala soco Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [ Great Banadir Media]).

Leave a Reply