Weerar ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay magaalada Beledweyne

Taariikh: 10-09-2017

 

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay qarax Ismiidaamin ah oo uu fuliyay ruux xirnaa waxyaabaha qarxa.

Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay Maqaayad ku dhaw Koontaroolka Koowaad ee laga galo xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan ee ku taal Magaalada Baledweyne.

Ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa la sheegay inuu isku qarxiyay Maqaayad ku dhaw Koontaroolka Koowaad ee laga galo xarunta Maamulka, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Suxufiyiinta ku sugan Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in qaraxaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab iyo ciidamo ka tirsan Dowladda.

Goobta qaraxa Ismiidaaminta uu ka dhacay ayaa hadda waxaa ku sugan ciidamada Dowladda iyo gaadiidka gurmadka deg dega oo dhaawacyada halkaasi ka qaadaya.

Sarkaal ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay dib ka bixin doonaan macluumaadka la xiriira qaraxa Ismiidaaminta ee ka dhacay Magaalada Baledweyne. – Soomaalida Maanta News

Leave a Reply