Kooxo hubaysan oo dil iyo dhaawac ka gaystay Magaalada Muqdisho

Taariikh: 10-09-2017

 

Dabley hubaysan ayaa xalay fiidkii Magaalada Muqdisho waxa ay ka gaysteen dil iyo dhaawac, kadib markii ay weerareen laba ruux oo siyaabo kala duwan ugu weerareen Muqdisho.

Weerarka Koowaad ayaa waxaa lagu dilay nin Gudoomiye Waaxeed ka ahaa Degmada Hodan, gaar ahaan Xaafadda Siigaale sida dadka deegaanka ay xaqiijiyen.

Dabley hubaysan ayaa toogtay ninkan, kadib markii ay rasaas ku fureen, xilli uu ku sugnaa meel aanan ka fogeyn hooygiisa.

Sidoo kale dabley hubaysan ayaa Degmada Boondheere, gaar ahaan Waaxda Yuusuf Kowneyn ku weeraray Sarkaal ka tirsan ciidamada Militariga Somaliya, kana mid ah Saraakiisha ka shaqeysa Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya, waxaana la sheegay in dhaawac uu soo gaaray, markii dhawr xabadood ay ku dhufteen raggii hubaysnaa.

Sarkaalka la weeraray ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali Xasan Baazey, isaga oo dhaawac ah ayaana goobta laga qaaday.

Ciidamada ammaanka oo ka jawaabayay falkaasi dhacay ayaa sameeyay hawlgal amni xaqiijin ah, waxaana ay gacanta ku soo dhigeen tiro dad ah, inkastoo markii dambe ay sii daayeen. – Universal Somali TV

Leave a Reply