DEG DEG :-Guddoomiye Ku Xigeen Lagu Weeraray Dharkenley

9-ka Sebtember, 2017

 

Muqdisho – Waxaa goor dhow degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir lagu rasaaseeyay gaari uu leeyahay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmadaasi Cabdullaahi Xassan Afrax.

Dabley hubeysan oo saarneyd gaari NOAH ah ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen gaariga, Xilli uu yaalay xaafada Tabakaayo Cagaar ee degmadaasi Dharkenley.

Waxaana ku dhintay weerarkaasi darawalka guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Dharkenley, iyadoo ay ku dhaawacmeen laba kale oo uu ku jiro wiil yar oo la sheegay in uu dhaqayay gaariga masuulkaasi.

Balse maamulka degmada Dharkenley ayaa Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay in gaariga uusan la socon, xilliga uu dhacayay weerarka guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmadaasi.

Waxaana maamulku uu sheegay in ciidamada amaanka ay wadaan baritaan ku aadan weerarkaasi, iyadoo raggii ka danbeeyay ay isaga baxsadeen Goobtaasi.

Inta badan weerarda nuucaani oo kala ah ayaa ku soo laa laabta Magaalada Muqdisho, iyadoona Toddobaadkii hore xildhibaan ka tirsan Golaha Aqalka Sare gaarigiisa lagu weeraray degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. – Shabelle Media Network

Leave a Reply