Dayn Mise Dambi Kale:- Villa Somaliya Oo Korontada Iyo Biyaha Laga Jaranayo Iyo Sabab Qariib Ah Oo Middaas Ka Dambeysa

Sabdi, 9-ka Sebtember, 2017

 

Illo wareedyo ku dhaw dhaw madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay in siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta deggan aqalka dalka looga arramiyo xalay ilaa shalay kusocotay digniino ah in ay iskaga guuraan xarrunta madaxtooyada.
Warqad kasoo baxday agaasimaha Villa Somalia Fahad Yaasiin ayaa lagu go’aansaday in ay kaga guuraan mas’uuliyiinta muddo dhawr iyo toban Maalmood ah.

 

Wararka aan heleyno ayaa sheegay in agaasime kuxigeenka Villa Somalia C/rasaaq Shoole uu markan bilaabay in uu mas’uuliyiinta ugu hanjabo in biyaha iyo korontada laga jaran doono haddii ay diidaan in ay ka guuraan madaxtooyada.

Inkastoo aan la hubin haddana durba waxaa la sheegayaa in xalayto siyaasiyiin badan oo Villa Somalia deggan ay biyo iyo koronto la’aan ay ku dhacday, waxaana loo aanneyay in ay diideen ka guuritaankooda aqalka dalka.

Dhawaan filo siyaasiyiinta iyo shakhsiyaadka caanka ah ee deggan Villa SOmalia. – Shaaciye News

Leave a Reply