Daawo Sawiro:- Dadkii ay xasuuqen diyaaradaha Mareykanka oo magaalada Muqdisho lakeenay

25-ta Agoosto, 2017

 

Waxaa goor dhow la soo garsiyay magaalada Muqdisho Meydadka illaa 10 ruux oo isku qoys ahaa, kuwaasoo saaka waabarigii ay diyaaradaha Mareykanka ku dileen duleedka deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Meydadkan ayaa saxaafada loogu soo bandhigay Isbitaalka Madiina, waxaana ku jiray labo carruur ahaa, waxaana la soo bandhigay magacyadooda.

Ciidamo Mareykan ah oo ay wehliyeen Ciidamo Soomaali ah ayaa la sheegay in saaka howl gal ay ku qaadeen dhul beeraley ah oo ku dhow Bariire, halkaasoo dadkan ay ku dileen, wararka qaar ayaa sheegaya in dadkan ay ka soo jeedeen Hal qoys.

Waa dhacdadii labaad oo dad rayid ah ay ku xasuuqaan Ciidamo Mareykan ah oo howl gal ka fulinayay gobolka Shabeellaha Hoose , waxaana todobaad ka hor ay aheyd markii illaa 7 ruux lagu dilay deegaan u dhow Jilib, halkaasoo diyaarado laga leeyahay dalka Mareykanka ay duqeeyeen.

– Hiiraan Xog

Leave a Reply