Waa Maxay Ceebta Ka Dhacday Magaalada Qaahira Intii La Soo Dhaweynayay Madaxwayne Farmaajo? (Sir Iyo Kashifaad Wada Socda)

22/08/2017

Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar waxaa ka dhacay munaasabad aad u wayn oo ay soo qaban qaabisay Safaaradda Soomaaliya ee Masar, waxaana lagu soo dhaweynayay Madaxwayne Farmaajo oo halkaas u tagay safaro shaqo.

Balse wixii ugu xumaa ee ay dadka kasoo qayb galay ama doonayay in ay kasoo qayb galaan ay la kulmeen waxa ay ahayd in dadka lakala takooray oo keliya dadka Farmaajo taageersan reer ahaan haku taageereen ama si kalaba haku taageereene kuwaas ayaa loo oggolaaday.

Dadka Koonfurta ka imaada ee kamid ah jaaliyadda Soomaalida Masar ayaa aad loogu adkeeyay albaabka hore ee xarunta ay ka dhaceysay munaasabadda.

Sidoo kale kudhawaad 100 qofood ayaa dib uga noqday xarunta, waxaana ay sheegeen in aysan ahayn soo dhaweyn madaxwayne ee ay tahay soo dhaweyn qof qabiil, maadaama qabiil ahaan looga xigsaday.

Jaaliyadda Soomaalida Masar ayaa dhaleeceen dusha kaga riday shaqaallaha iyo hawl wadeennada safaaraddaas, maadaama ay gacan bidixeeyeen ka qayb galka munaasabadda lagu soo dhaweynayay madaxwayne Farmaajo. – Shaaciye

Leave a Reply