Fahad Yaasiin: “14 Cisho waa in looga guuraa Madaxtooyada”,Wareegto

10-ka Agoosto, 2017

Muqdisho – Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin Daahir,ayaa soo saaray wareegto uu ku amrayo dadka deggan Madaxtooyada Soomaaliya in ay muddo 14 cisho ah uga guuraan.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in dib u dhis lagu sameynayo Aqalka looga taliyo dalka,sidaas darteedna la farayo mas’uuliyiinta kala duwan ee dowladda Soomaaliya in ay banneeyaan Xarunta Madaxtooyada si shaqada dhismaha ah ay u billaabato.

Wareegta uu ku saxiixan yahay Fahad Yaasiin ayaa lagu ogeysiiyay Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada iyo Abaanduulaha Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya,waxaana dadka lagu faray in ay ku guuraan 14 Cisho oo ka billaabatay August 6 kuna eg 22ka Bisha August 2017.

Wareegtada sida ku cad waxaa ay fareysaa in 6-da August ay billaabaneyso kuna egtahay 22ka August taas oo ka badan 14ka maalmood ee ay Madaxtooyada sheegtay,waxaana ay noqoneysaa 16 maalmood.

– Shaaciye News

Leave a Reply