Baaritaano Ay Waaxda Dembi Baarista (FBI) Mareykanka Ay Ku Sameynayaan Weerarkii Masaajidka Darul-Faruq

6-da Agoosto, 2016

Baloomingtoon (WBW: The GBM) – Ciidamada Boliiska Mareykanka, qeybtooda dembi-baarista ee FBI-da ayaa lagu soo waramayaa iney la wareegeen baaritaankii lagu sameyn lahaa weerarkii bambaanada ahaa ee Hiiradii Sabtida lagu qaaday Masaajidka Darul-Faruq ee Magaalada Baloomingtoon (Bloomington), sida ay baahisay Wakaalada Wararka REUTERS.

5-tii iyo 5 mididh ay aheyd Goorsheegtada Waahiirka markii la wacayay Ciidamada Boliiska ee Magaalada Baloomingtoon isla markaana lagu wargelinayay in bambaano lagu soo tuuray Dariishada Xafiiska Imaamka, iyadoo leysu diyaarinayay Tukashadii Aroornimo.

Maamulaha Masaajidka Maxamed Cumar oo la hadlay warfidiyeenada, aa wuxuu u sheegay in qof kamid dadkii ku-sugnaa Masaajidka uu arkay Fatuuro Bikab (Pickup Truck) ah oo kasii xiimeyso Barkeejada Masaajidka waxyar uun kadib markii uu qaraxa dhacay.

Si kastaa ay ahaataba, waxaanan jirin qof uu wax gaarsiiyay Weerarkii Bambaano ee Hiiradii Sabtida, sida laga soo xigtay REUTERS.

Wixii war ah ee kusoo kordho, kala soco Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]).

 

Leave a Reply