Faah Faahin:- Qarax ka dhacay Isgoyska Ex-Kontrol Balcad ee degmada Heliwaa

29-ka Luuliyo, 2017

Muqdisho – Qarax xoogan ayaa waxa uu ka dhacay Isgoyska Ex-Kontarool Balcad ee degmada Heliwaa Gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay Qaraxaasi oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxaa ku dhaawacmay 2 qof oo la socday Gaari nuuca NOAH ah oo mareysay Isgoyskaasi Ex-Kontarool Balcad.

Goob Jooge u warramay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dhaawacyada midkood la geeyay Isbitaalka Darul Shifaa halka mid kalana loo qaaday Isbitaal ay ku leeyihiin Magaalada Muqidsho Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya.

Lama oga Heybta Gaarigaasi lala bartilmaamsaday Qaraxa oo ahaa nuuca raaxada, mana jiro wax war ah oo Saraakiisha Amniga degmada Heliwaa iyo Maamulka degmadaasi ay ka soo saareen Qaraxaasi.

Balse Ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa durba gaaray meesha wax ka dhaceen kuwaas oo baaritaanno ka billaabay halakaas iyagoona saacado hakad geliyay isku socodkii Gaadiidka ee wadadaasi. – Shabelle Media Network

Leave a Reply