Dadweyne careysan oo dibad bax rabshado wata ka dhigay Wadada Maka Al-Mukarama (Sawirro)

27-da Luuliyo, 2017

Banaan bax rabshado watay oo looga soo horjeedo shaqaaqadii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa xilligan ka socda qeybo ka mid ah Wadada Maka Al-mukarama, iyadoo dadweyne careysan ay dhagxaan ku jareen wadada, ayna gubeen taayaro.

Dadkan ayaa ka careysan Sarkaalkii ka tirsanaa Ciidamada NISA ee lagu dilay iska hor imaadkii shalay dhex maray Ciidamada, waxaana ay ku qeylinayeen inay rabaan cadaalad, cidii ka dambeysayna sharciga la horkeeno.

Waxaa la xiray Ganacsiga qeybo ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama, waxaana dadweynahan careysan ay dhagxaan la dhacayeen gaadiidka dadweynaha ee wadada marayay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Xasilinta oo isku dayay in dadka dibad baxayay ay dajiyaan ayaa dhagxaan lagu bilaabay, iyadoo dib u laabteen.

Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah saraakiisha Ciidamada Xasilinta oo u yimid dadweynaha dibad baxayay uu ku qanciyay inay dib u laabtaan, ayna wadada furaan.

Wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahana inta u dhaxeysa Isgoyska Sayidka iyo Dabka ayaa muddo saacad ku dhow aheyd mid xiran.

Dowladda Soomaaliya ayaa guddi u saartay shaqaaqadii shalay dhacday, iyadoo xabsiga la dhigay dhamaan ciidamadii ku lugta lahaa iska hor imaadka.

Illaa lix askari oo uu ku jiray Taliye kuxigeenkii hore Nabadsugida Gobolka Banaadir Ciise Jiijiile ayaa ku geeriyooday iska hor imaadkii ka kala dhacay agagaarka Isgoyska ceel Gaabta iyo Nawaaxiga Tiyaatarka Qaranka

 

– Jowhar Media

Leave a Reply