Dowlada Itoobiya oo ka hadashay khilaafka u dhaxeeyo wadamada Khaliijka

07-07-2017

Ra’iisalwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ka digay in muranka u dhaxeeya dalalka Khaliijka uu degenaansho la’aan u keenayo Geeska Africa.

Isaga oo Baarlamaanka dalka Itoobiya u jeedinaya khudbad laga baahiyay Telefishinka dawladda ee EBC, ayuu Hailemariam sheegay in Itoobiya ay rajaynayso in muranka lagu dhameeyo wada xaajood, isaga oo sheegay “in aysan su’aal ka taagnayn” in ay Itoobiya saamayn wayn ku yeelan doonto haddii uu goboladaas qasmaan.

Wuxuu intaas ku daray in Itoobiya ay taageersan tahay dadaalada ay Kuwait ku doonayso in ay ku xaliso dalalka Khaliijka.

Dalalka Geeska Africa ayaa taariikh ahaan calaaqaad dhaqaale, mid milatari iyo mid siyaasadeedba la leh dalalka Carabta.

Waxaa sidoo kale gobolka mara Badda Cas, oo muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah, iyadoo ay sii maraan maraakiibka shidaalka ka qaada Khaliijka ee u socda dalalka Yurub.

Bishii hore ayay ahayd markii ay Qadar ciidammadeeda kala baxday xuduudda lagu muransan yahay ee u dhaxaysa Eritrea iyo D’Jibuuti, arrintaas oo ay u badan tahay in ay sababtay ka dib markii ay dalalkani la safteen Sacuudiga markii uu soo if baxay khilaafka Qadar. – Hiiraan Xog

Leave a Reply