Faahfaahin ku saabsan Dagaal ka dhacay Degmada Janaale

30-06-2017

Wararka ka imaanaya Deegaanka Janaale ayaa sheegaya in Dagaal Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab ku dhexmaray Degaankaasi uu sababay khasaare aad u lixaad badan.

Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii Ciidamada Dowladda Federaalka ay weerar ku qaadeen fariisimo Shabaab ay ku leeyihiin degaanka Janaale ee Gobolka Sh/Hoose.

Wararku waxay sheegayaan in Dagaalka uu socdo mudo saacado ah, sida ay sheegeen dadka degaanka, waxayna wararku intaasi ku darayaan in dagaalkaasi ay ku geeryootay dad ka badan 10 Qof, oo ahaa dhinacyadii dagaalamay, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhanka kale wararku waxay sheegayaan in Ciidamada Dowladda markii hore Shabaab inay kala wareegeen degaanka Janaale, balse dib ay uga baxeen, taasi oo ilaa hada sababteeda la garan waayay, balse ciidamada dowladda taasi caado u noqotay. – Somali Wayn Org.

Leave a Reply