Sheekh caan ah oo xalay lagu dilay degmada Qoryooley ee Sh/Hoose

22-da Juunyo, 2017

Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose Sheekh caan ka ah degmadaas, iyadoo dilkan uu ahaa kii u horeeyay ee bishan Ramadaan ka dhaca degmadaas.

Sheekha la dilay ayaa lagu magacaabaa Sheekh Ibraahim Kaba-Cadde, waxaana kooxdii dilka geysatay oo ku hubeysnaa bastoolado ay ka baxsadeen goobta.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Sheekhan uu degmada caan ka ahaa, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa dilkiisa.

Ciidamada dowladda ayaa ka wada Qoryooley howl gallo baaritaano oo ay ku baadigoobayaan kooxihii dilka ka dambeeyay, inkastoo aanay wali cidna u soo qaban.

Degmada Qoryooley ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana mararka qaar ka dhaca degmadaas weeraro Al-Shabaab ay ku qaadaan saldhigyada ciidamada. – Jowhar Media

Leave a Reply