Wiilkii Manchester qarxiyay ‘kaligii baa guriga ku hagaajistay bamka’

12-da Juunyo, 2017

Wiilkii bamka ku qarxiyay magaalada Manchester, Salman Abedi waxay u badan tahay in uu bamkii 22 ruux dilay ku hagaajiyay gurigii uu daganaa, sida ay booliisku sheegeen.

Saraakiishu waxay sheegeen in ay hadda “aad u fahamsan yihiin” dhaqdhaqaaqyadii uu sameeyay Abedi todobaadyadii ka horreeyay markuu weerarka gaystay.

Madaxa ka hortagga argagixisada ayaase sheegay in aysan aad u caddayn in uu keligii helay oo kaydsaday dhamaan qalabka uu qaraxa u adeegsaday iyo in lagala shaqeeyay.

Dhammaan 22kii ruux ee loo xiray weerarkaas ayaa la sii daayay iyagoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin.

Russ Jackson oo ah salkaal booliiska ka tirsan ayaa sheegay in booliiska Manchester ay hadda hayaan faahfaahinta dhaqdhaqaaqii Abedi ee toddobaadyadii ka horeeyay weerarkii Manchester ka dhacay.

  • Booliska oo shaaciyay magaca qofkii ka dambeeyay weerarkii Manchester
  • Siday ku dhacday in sirdoonka UK ay baajin waayeen weerarkii Manchester?
  • Britain oo dib u billawday xogtii ay la wadaagaysay sirdoonka Maraykanka

Waxaa ka mid ah sidii uu ku helay kiimikooyinka uu ka sameeyay bamka iyo goobtii uu ku qaabeeyay bamka.

Booliisku waxay sheegeen in ay saacad saacad u hayaan dhaqdhaqaaqii uu sameeyay Abedi maalmihii ka horeeyay weerarkii uu Manchester ka gaystay 22 May. – BBC Somali

Leave a Reply