Jabuuti Waxaa Kusugan Farmaajo Iyo Ergadii Uu Horkacayay

Talaado, 23-da Maajo 2017

Jabuuti (WBW: The GBM) – Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa laga soo sheegayaa in ay kusugan yihiin ergo uu hogaaminayo ‘Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya’ Mxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Warka waxaa kale ee lagu sheegay in Farmaajo iyo ergadiisa ay sii joogi doonaan Jabuuti ilaa iyo 3 maalmood oo ay maanta ku jirto.

Ergada uu horseedka u yahay waxaa ay Muqdisho ka dhoofeen maalintii Axada aheyd oo ay bishan aheyd 21-da, iyagoo markaasi la sheegay iney ka-qeybgeli shir ay isugu iman Dalalka Carabta, Islaamka iyo Mareykanka.

Dalka Jabuuti waxaa uu ahaa dalkii ugu horeeyay ee shir u qabto Jabhadii Dalka Soomaaliya ka xoreeyay Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre iyo kuwiai taageeri jirayba mudadii u dhaxeysay 15-tii Luuliyo ilaa iyo 20-kii Luuliyo sanadkii 1991-dii.

Xiligaasi waxaa Madaxweynaha Jabuuti ahaa Halgame Xasan Guuleed Abtidoon, wuxuuna Jabhadihii Soomaalida uu ka oggolaaday in shirka laga maanaco Jabhadii ‘SNF’ ee uu dhisay Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre maadaama ay Soomaali oo idil ay u istaagtay in Taliska Kelitaliska ahaa ee Jeneraal Siyaad leyska tuuro.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu waagasi katirsanaa ‘SNF’, maantane waxaa lagu soo dhaweynayaa Jamhuuriyadda Jabuuti. Weydiinta markani, waxey tahay: Sidee bey u degi Jamhuuriyadda Soomaaliya?

Kala soco Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The Great Banadir Media)), wixii war ah ee xiiso leh.

Leave a Reply