WAR DEG-DEG AH – DOKUMEENTO LAGALA BAXAY XAFIISKA HANTI DHAWRAHA QARANKA

10ka Maajo, 2017

Muqdisho (WBW) – War soo gaaray Warbaahinta Banaadir Weyne wuxuu sheegayaa in ‘Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya’ Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo ‘Wasiir Koowaadkiisa’ Xasan Cali Kheyre ay jabsadeen Xafiiskii Hanti Dhowraha Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale isla markaana ay kala baxeen Dokumeentiyo lagu eedeynaya labadooda.

” Madaxweynaha iyo Wasiir Koowaadka waxa ay ku xadgudbeen Sharciga iyo Dastuurka dalka u yaala, ciidamo ka amar qaata labadan masuul ayaa xoog ku jabsaday xafiiskeyga; waxeyna ka qaateen Dukumeentiyo muhiim ah oo qaarkood lidi ku ah Farmaajo iyo Kheyre” uu yiri Dr Nuur Faarax Jimcaale.

Ugu dambeystii, Dr. Nuur Faarax Jimcaale waxaa uu daboolka ka qaaday inuu hada ku hawlan yahay sidii uu Dembiga ay galeen uu ugu gudbin lahaa Maxkamada Sare maadaama ay ku takri faleen awooda ay leeyihiin

Wixii war ah ee kusoo kordho, kala soco Warbaahinta Banaadir Weyne (The Great Banadir Media).

Leave a Reply