Diyaarado Dagaal oo Duqeymo ka fuliyay Gobolka Sh.Hoose

5ta Maajo, 2017

Awdheegle – Wararka laga helayo Magaalada Awdheegle ee Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Diyaarado Dagaal ay Duqeymo xoogan ku beegsadeen Xarumo Xarakada Al Shabaab ku leeyihiin Degaanka Mubaarak.

Wararka ayaa sheegaya in labo Diyaaradood oo nuuca qumaatiga u ka ah ay fuliyeen Duqeymahii ka dhacay Degaanka Mubaarak iyo Tuulooyin hoostaga Degmada Awdheegle ee Gobolka Sh.Hoose.

Intaasi kadib, ayaa waxaa dhacay Dagaal toos ah oo u dhaxeeyay labada dhinac, kadib markii Diyaarad Dagaal oo ku degtay Mubraak ay ka soo daateen Ciidamo hubeysan.

Weli lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Weerarkan ka dhacay Degaanka Mubaarak ee Gobolka Sh.Hoose.

Inta badan Degaanada Gobolka Sh.Hoose ayaa ka dhaca Duqeyn lagu beegsado Xarumo Xarakada Al Shabaab ay ku leeyihiin Degaano ka tirsan Gobolkaasi. – Shabelle Media Network

Leave a Reply