Hanti dhowrka Guud oo ku gacan seyray xil ka qaadistii Golaha Wasiirada

4ta Maajo, 2017

Hanti dhowraha Guud Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ku gacan seyray xil ka qaadis lagu sameeyay, kaddib kulan deg deg ah oo caawa Golaha Wasiirada ku yeesheen Madaxtooyada.

Xil ka qaadistan ayaa daba socday dhacdadii xalay lagu dilay Wasiirkii Cabaas, kaasoo Ilaalo la socotay Hanti dhowrka Guud ay ku toogteen agagaarka Madaxtooyada.

Wareysi uu goor dhow siiyay qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayuu sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadista, waxaa uu meesha ka saaray in Golaha Wasiirada xil ka qaadi karin.

“Habka Golaha Wasiirada u mareen xil ka qaadista waa mid sharci darro ah, xil igama qaadi karaan, baarlamaanka ayaa iga qaadi kara”ayuu yiri Dr. Nuur Faarax.

Bishii Agosto ee sanadkii 2016 ayaa wareysi uu Hanti dhowraha Guud siiyay Telefishinka Horn Cable ayuu ku cadeeyay in Baarlamaanka uu xasaanada kala noqonayo, isla markaana Madaxweynaha uu digreeto ku soo saarayo.

Hase ahaatee Baarlamaanka oo hada fasax ku maqan illaa bisha July ayaa waxay keeni kartaa xaalad jahwareer iyo caqabado dowladda soo wajaha oo ka dhasha xil ka qaadista Hanti dhowrka Guud. – Jowhar Media

 

Leave a Reply