Olole Loogu Jiro Sidi Degmo Looga Dhigi Lahaa Degaanka Garasbaaley (Daawo Sawirada)

17-da Abriilo, 2017

 

Garasbaaley (WBW) – War laga helay Degaanka Garasbaaley ee kuyaalo Duleedka Magaalada Muqdisho, aa wuxuu sheegayaa in Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay shalay kormeereen Degaanka Garasbaaley.

Warka wuxuu ku darayaa in ujeedada kormeerkooda uu ahaa sidii Degaanka Garasbaaley loogu aqoonsan lahaa degmo buuxdo sanadkan 2017-da, inkastoo ay ka da’weyn tahay degmooyin hada ka jiro Dalka Soomaaliya sida Garbaharey, Bu’aale, iwm oo sanadihii 1970-nooyadii laga dhigay degmooyin buuxo isla markaana uu ka dhigay Taliskii Kelitaliska ahaa ee uu hogaamin jiray Diktatoore Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

Xildhibaanadii kormeeray waxey kala ahaayeen, 1. Xildhibaan Yuusuf Ibraahim Kabaale, 2. Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris (Ganey), 3. Xildhibaanadad Mina Xasan Shibis, 4. Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow Ibraahim, iyo 5. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Kormeerka waxaa kaloo ku wehlinayay Guddoomiyehii Hore ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci), iyo Mde. Xasan Cabdulqaadir Muudey; waxeyna kulamo la qaateen Guddoomiyaha Maamulka Degaanka Garasbaaley Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan Garyare) iyo Odayaasha Dhaqanka ee Degaanka Garasbaaley.

 

1492371189eb0ed.jpg

14923711910b38d.jpg

1492371193ac86b.jpg

1492371197ee873.jpg

14923712004fa1b.jpg

1492371202170f9.jpg

14923712048671f.jpg

14923712063a415.jpg

149237121008d40.jpg

149237121252b46.jpg

Wixii war ah ee kusoo kordho, kala soco Warbaahinta Banaadir Weyne (The Great Banadir Media).

 

 

Leave a Reply