Diyaarado dagaal oo duqeeyay deegaanka Kaamjaroon ee Gobolka Jubadda hoose

12-ka Abril, 2017

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Jubadda hoose ee Koonfurta Somaliya ayaa sheegaya diyaarado dagaal inay duqeeyeen deegaanka Kaamjaroon ee duleedka Magaalada Kismaayo.

Duqeyntaan ayaa la sheegay inay gaystaan diyaarado , kadib markii halkaasi la sheegay inay ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Saraakiisha ciidamada Jubbaland ayaa sheegay duqeynta in lala eegtay Saraakiil Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo ku sugnaa deegaanka Kaamjaroon.

Illaa hadda lama helin cida sida rasmiga ah loo beegsanaayay, marka laga reebo in Saraakiil lagu beegsaday halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqeyntu ay aheyd mid xoogan, isla markaana dhawr gantaal lagu dhuftay deegaanka.

Saraakiisha Jubaland waxa ay sheegeen inay faah-faahin ka bixin doonaan duqeyntaasi oo Diyaardaha dagaalka Kenya ay fuliyeen marka xogta dhameystiran la soo aruuriyo. – Unversal Somali TV

Leave a Reply