R/Wasaare Khayre oo kormeeray Xarumaha Wasaaradaha qaarkood (SAWIRRO)

11-da Abriilo, 2017

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo sidoo kale ay dagan yihiin Wasaaradaha Caafimaadka iyo Qorshaynta. Wuxuna u guur galayay qaab howlleedka shaqo ee Wasaaradahaasi ka socda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u galay xafiisyada kala duwan ee wasaaradaha oo ay goob joog ahaayeen shaqaalaha iyo maamulka , is xog waraysi kadib waxa uu kula dardaarmay shaqaalaha wasaradaha inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan shacabkooda, isla markaana ay uga soo baxaan si hagrasho la’aan ah.

Khayre ayaa guud ahaan shaqaalaha u sheegay inay markasta xasuusnadaan inay hayaan shaqo qaran oo muhiimad gaara u leh dawladda iyo shacab keeda, isla mar ahaantana ay iska saaraan masuuliyada gaara.

1491927735404d9.jpg

14919277372c1d3.jpg

14919277387ad2e.jpg

14919277414b9ed.jpg

149192774390d0c.jpg

Leave a Reply