Askari Ka tirsanaa Ciidanka dowladda oo Lagu Dilay Muqdisho

9-ka Abril, 2017-ka

Muqdisho – Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa maanta gudaha suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku toogtay Askari ka tirsanaa ciidanka dowladda.

Goobjoogayaal ayaa u xaqiijiyay Radio Shabelle in dilka uu ka dhacay qeybta Suuqa Sarifka ee ka tirsan Bakaaraha, iyadoo kooxihii dilka geystay ay isaga baxsadeen goobta falka uu ka dhacay.

Kooxaha dilay Askariga ayaa la sheegay in ay horay u qaateen qori AK47 ah oo uu watay askariga la dilay.

Dilka kaddib ayaa goobta waxa soo gaaray ciidamda Amaanka dowladda, waxana ay sameeyeen howlgallo aan la shaacin natiijada ay ka gaareen.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada dilkaasi, hase ahaatee, maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho ku soo badanayay dilalka falalka kale ee Amaanka lidiga ku ah.- Shabelle Media Network

Leave a Reply