Xil Ka Qaadis Laga Soo Sheegayo Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya

Axad, 26-da Maarso, 2017-da

Muqdisho – Taliyehii Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya Jeneraal Ibraahim Shiikh Muxudiin aa la sheegayaa in xilkii laga qaaday, waxaana lagu bedelay Gaashaanle Sare Axmed Maxamed Afcadey.

Dalka Soomaaliya aa waxaa la sheegaa in 8-dii Febraayo ee sanadkan ay Doorasho Madaxweyne ka dhacday isla markaana uu ku guuleystay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib markii la shaaciyay inuu helay 184 cod. Hase ahaatee, waxaa guusha la sheegay ka dambeysay musuqmaasuq aad u weyn oo laga sameeyay goobta doorashao.

Wixii war ah ee soo kordho, kala soco Warbaahinta Banaadir Weyne (The Great Banadir Media).

Leave a Reply